Dowladaha Sudan iyo Itoobiya oo soo afjaray murankii biyo xireenka webiga Nile (Sawirro)

Sudan iyo Itoobiya oo soo afjaray murankii mudada dheer taagnaa ee la xiriiray biyo xireenka ay webiga Nile ka dhistay Itoobiya.

Addis Ababa iyo Khartoum iyo Qaahira ayaa waxaa u dhexeeya muran dheer oo ku saabsan biyo-xireenka, kaasoo dowladdaha Sudan iyo Masar ay ka cabsi qabaan inuu yareeyo saamiga ay ka helaan biyaha webiga Niil.

Hogaamiyaha militariga Sudan, ayaa sheegay in Sudan iyo Itoobiya ay isku afgarteen dhammaan arrimaha ku saabsan biyo xireenka weyn ee Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed, oo safar shaqo ku jooga magaalada Khartoum iyo Gen Abdel Fattah Al-Burhan, ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya dalalka Sudan iyo Itoobiya.

Abiy ayaa sheegay in biyo xireenka wabiga Niil uusan wax u dhimi doonin danaha Sudan, balse taas bedelkeed uu ka faa’iidaysan doono korontada.

- Advertisement -